Militariga Siiriya oo soo riday gantaalo Israel ku tuurtay Dimishiq

Published: April 8, 2021

Dowlada Siiriya ayaa maanta oo khamiis ah shaacisay inay xalay saqdii dhexe soo rideen dhowr gantaal oo looga soo tuuray dhinaca Israel.

Weerarkan ayaa la sheegay in Israel u adeegsatay diyaarado iyo gantaalo laga soo tuuray dhulka buuraleyda ah ee Golan.

Difaaca cirka ee Siiriya ayaa sheegay inay ku guuleysteen inay soo ridaan gantaaladan oo qaarkood ku dhacay duleedka magaalada caasimada ee Dimishiq, waxaa la sheegay in 4 askari dhaawacyo kasoo gaareen.

Israel ayaa horey sidan marar badan duqeyn ulla beegsatay dalka Siiriya gaar ahaan saldhigyada ay dalkaasi ku leeyihiin ciidamada Jamhuuriga Iran oo gacanta siiya xukuumada Siiriya ee Bashar Al Assad.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *