Madaxweyne Deni oo ka tacsiyeeyay Geerida Gudoomiye Cirro

Published: April 9, 2021

Allaha u naxariistee waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday Gudoomiye kuxigeenkii hore ee gobolka Bari Marxuum Axmed Cali Cabdulaahi Cirro.

Marxuumka ayaa maalmihii ugu dambeeyay la ildarnaa xanuun kaasoo keenay in ugu dambeyn uu u geeriyoodo.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr Siciid Cabdulaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyay geerida marxuum Axmed Cirro.

“Waxaan tiiraanyada iyo xanuunka geerida Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Cirro la qaybsanayaa dhammaan shacabka Puntland ee Soomaaliyeed, Maamulka Gobolka Bari, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay Marxuumku.Marxuum Axmed Cali Cabdullaahi (Cirro).

Guddoomiye Ku-xigeenkii Koowaad ee gobolka Bari, wuxuu ahaa masuul usoo shaqeeyay Puntland, wuxuu hore usoo noqday Guddoomiye ku-xigeenka degmada Xaafuun, sidoo kale wuxuu ahaa Ganacsade arrimaha Bulshada kasoo shaqeeyay, runtii waa tiir adag oo ka baxay Puntland, gaar ahaan gobolka Bari.Waxaan Alle “SWC” uga baryayaa inuu hoy uga dhigo Jannatul Fardawsa, dembigiisana dhaafo, samir iyo iimaanna ka siiyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay. Aamiin”. Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *