Askar ka qeyb qaadatay dagaalkii Shabeelaha Hoose oo la dalacsiiyay

Published: April 10, 2021

Tiro kamid ah askartii iyo Saraakiishii dhawaan ka qeyb qaatay dagaalkii Alshabaab iyo Ciidanka dowladda ku dhexmaray deegaanada Awdheegle iyo Bariire ayaa la dalacsiiyay.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye Guud Odawaa Yuusuf Raagge iyo Taliyayaasha ururada ayaa dalacsiiyay Askarta iyo saraakiishan.

Wasiirka Wasaaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa hambalyo u diray Saraakiisha, Saraakiil xigeennada iyo dhammaan askarta la dalacsiiyay kuwaasoo ka qeyb qaadatay dagaalkii dhawaan Alshabaab ay ku qaadeen deegaanada Aw-dheegle iyo Bariire oo ay si xooggan uga qeyb qaateen dagaalka Jabna gaarsiiyeen.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa sheegay in uu ugu Hambalyeeynayo dalacsiinta ay ku muteysteen Difaaca dadkooda, dalkooda iyo diintooda

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waday dadaallo xooggan oo lagu dhiiragalinayo ciidamada si loo dar dargeliyo howlgallada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *