DF: Golaha Amaanka waxaan ka simanahay heshiisna ku nahay qabashada Doorashada

Published: April 10, 2021

Wasaaradda Arimaha Dibadda Xukuumadda xilgaarsiinta ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Qoraal u dirtay Madaxweynaha xilka kasii dagaya ee Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay Linda Thomas ,Qoraalkaas oo ay uga hadlayso xaalada Cakiran ee arimaha doorashooyinka.

Qoraalka Wasaaradda oo ka koobnaa dhowr qodob ayaa ugu horeyn waxaa lagu sheegay in mudooyinkii dambe Dalku uu wajahayay xaalado adag iyo caqabado ku saabsan hirgalinta doorasho xasiloon Isla markaana dhamaan madaxda ay awoodeen in si wadajir ah qaran ahaan looga wada hadlo waxa dhexyaala, iyadoo la muujinayo tanaasul.

Sidoo kale Qoraalka wasaaradda ayaa lagu xusay in deganaanshaha siyaasadeed ee dalka uu sal u yahay dhammaan dadaalada horumarineed ee ku saabsan hirgalinta Doorashada ,sidaas darteedna, ay dowalddu kala siman tahay golaha amaanka, qabashada doorasho loo dhan yahay sida ugu dhaqsaha badan uguna macquulsan.

Wasaaradda ayaa Hoosta ka xariiqday qodobada saldhigga u ah Mowqifka dowladda Federaalka ee arimahan taagan :

1: Doorashooyinka qaran ee Soomaaliya, sida ummadaha kale ee madaxbanaan u leeyihiin aaya ka talinta Qarankooda ayay hay’adaha dalkeeni go’aan uga gaarayaan arrimaha horyaala, sida ku cad sharciga Lr. 30 ee ay meel mariyeen Baarlamanka. Sidaa darteed, waxaan ka mahadcelineynaa taageerada hagar la’aanta ah ee UNSC ee gobonimada Soomaaliya, sharafka dhuleed, midnimada iyo madaxbanaanida siyaasadeed ee Soomaaliya.

2: Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay u arkaysaa faragalin kasta oo hannaanka doorashooyinka qaranka ku sameeyaan xubna dibadda ah in ay tahay faragelin toos ah oo lagu sameeyay arrimaheena gudaha iyo jabin la jabiyay shuruucda Golaha Amniga ee Qaramada midoobe iyo qaanuunka Caalamiga ah.

3: Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay u aragtaa heshiiskii 17-kii Sebtember inuu saldhig u yahay Geedi socodka doorashada iyo talooyinka ay soo jeediyeen guddigii Farsamada Baydhabo ee 16ka Febraayo iyada oo aan wax shuruud ah lagu xidhin.

4: Iyada oo laga jawaabayo walaacyada la xiriira amniga doorashada, waxaan halkan ku xoojinaynaa in Guddi amaan oo Doorashooyinka Qaranka uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha ay noqon doonaan kuwa farsaama ahaan wajaha arrimaha amaanka ee la xiriira doorashooyinka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *