Faahfaahin: Qarax Sababay Dhimasho Dhaawac Oo Ka Dhacay Baydhabo

Published: April 10, 2021

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in halkaasi goordhaw uu ka dhacay qarax ismiidaamin ah oo aad u xoogan kaasoo jugtiisa laga maqlay guud ahaan xaafadaha magaalada Baydhabo.

Qaraxan ayaa ahaa mid ismiidaamin ah waxaana fuliyay qof isku soo xiray Jaakada waxyaabaha qarxa waxuuna ka dhacay goob maqaayad ah oo uu fadhiyay guddoomiyaha gobolka Baay ee maamulka Koonfur Galbeed Cali Wardheere Cabdiraxmaan inkastoo uu ka badbaaday weerarkaasi lala damacsana in lagu khaarajiyo.

Afhayeenka Booliiska Soomaaliya Sadiiq Aadan ayaa shaaciyay in qaraxa maanta aay ku dhinteen laba ruux oo shacab ah 5 qof oo kalana aay ku dhaawacmeen, uuna ka badbaaday qaraxa guddoomiye Wardheere.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *