Natiijada Dilka Kiiskii Guddoomiye Dhegajuun Oo Lagu Wareejiyay Xeer Ilaalinta Qaranka

Published: April 10, 2021

Guddigii loo xil saaray baaritaanka dilkii guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir Cabdixakiin Dhegajuun ayaayaa Maanta yeeshay kulankii 9-aad oo u qabsoomay guddiga.

Guddiga ayaa natiijada kasoo baxday baaritaanka kiiska lagu dilay guddoomiye Dhegajuun ku wareejiyay xafiiska xeer Iiaalinta qaranka, si loogu sii gudbiyo maxkamada.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Cali Yare oo warbaahinta la hadlay ayaa xafiiska xeer Ilaalinta qaranka ka dalbaday in si dhaqsi ah loo dadejiyo kiiskan, isla markaana maxkamad lasoo taago dadkii ka dambeeyay dilkii guddoomiyihii hodan Cabdixakiin Dhegajuun.

“Halkaan waxa aan ku fadhigaa guddiga baaritaanka Dilkii AUN Guddoomiyaha Hodan, waxa aan sameynay baaris xooggan oo aan bilawnay 28-kii Janaayo 2021, bil ayay nagu qaadatay in aan baaris gaar ah ku sameyno qoriga xabadda laga riday, Maxkamaddu waa in ay dedejisaa kiiskaan oo 180-Maalmood aan u heysanay xaq ahaan waxa aan kusoo gaba-gabeynay waqti kooban oo lagu soo xiri karo Gal-dacweedkaan”

Guddoomiye Cali Yare

Wasiirka Amniga Xukuumadda xilgaarsiinta Xasan Xundubeey Jimcaale ayaa sheegay in muddo laba Bilood ah ay ku qaadatay baaritaanka dilkii Guddoomiyihii degmada Hodan, kaas oo uu sheegay in meel wanagsan ay soo gaartay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *