Puntland Oo Maxaabiis Ku Wareejinaysa Dowlada Dhexe

Published: April 10, 2021

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka caddaalada Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta gaaray magaalada Garowe, halkaas oo uu kula wareegayo maxaabiis burcad badeed ah oo muddo ku dhow 10 sano ku xidhan xabsiga dhexe ee magaalada Garowe.

Maxaabiista burcad badeeda oo kasoo jeeda Galmudug ayaa sanadkii 2012 lagasoo wareejiyay xabsiyada dalka Sycheles, kadib markii xukuno lagu riday, waxaana loogu talo galay in ay xabsiyadooda ku dhameystaan dalka gudihiisa.

Maxaabiistaan ayaa ku xirnaa heshiis dhexmaray Puntland iyo Sycheles, balse markii dambe baarlamaanka Puntland ayaa laalay heshiiskaas, iyagoo amar ku bixiyay in si deg deg ah loosii daayo, inkastoo aysan suurto galin.

Horsed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *