Barlamaanka Puntland oo Fuliyay Ballanqaad ay Hore u Sameeyeen

Published: April 11, 2021

Guddoomiyaha Barlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibril ayaa maanta ku wareejiyey Guddiga Waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo $20,910 dollar oo u dhiganta 299 Foosto oo daamur ah.

Wareejinta dhaqaalaha looga qeyb-qaadnayo dhameystirka waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo ayaa qeyb ka aheyd balan-qaadkii Baarlamaanka ee Shirweynihii daah-furka Ololaha Qof iyo Foosto ee Baarlamaanka balan qaadeen 367 Fuusto January 6, 2021.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL ayaa si shaqsi ah uga qeyb-qaatay 100 foosto oo daamur ah, halka 199 foosto kalena ay kaga qeyb-qaateen Xildhibaanada iyo Hawl-wadeenada Golaha, halka Golaha Baarlamaanka DPL ay ku hartay 68 Foosto oo daamur ah oo ay wareejin-doonaan Guddiga Bisha May, 2021, sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay bogga facebooga ee gollaha wakiiladda.

Wadada laamiga ee isku xiraysa Gobolka Bari iyo gobolka Sanaag oo lagu dhisayo hab iska wax u qabso ah oo dowladda iyo shacabka Puntland ayaa hadda waxaa socda saarista laamiga inta u dhaxaysa magaalooyinka Ceeldaahir iyo Baran.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *