Golaha Shacabka oo Ka Doodaya Mooshin Ku Saabsan Doorashada?

Published: April 11, 2021

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa Isniinta kulan degdeg ah yeelanaya, iyadoo goordhow uu farriin qoraaleed u dhacay xildhibaannada oo ku saabsan mooshin ku saabsan doorashada qaranka.

Fariintan sheegaysa in berri uu jiro kulan gaar ah oo ajandihiisu yahay ka doodista mooshin ku saabsan doorashada dalka, ayaa lagu wargaliyay xildhibaanada in ay soo xaadiraan 09:00 subaxnimo.

Berri oo Isniin ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 12ka April, ayaa waxaa jira kulan xasaasi ah oo ay yeelan doonaan Xildhibaanada Golaha shacabka Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana kulanka looga hadlayaa arrimo ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha khilaafku k ataagan yahay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *