Farmaajo oo Soo Dhaweeyay Muddo Kordhintii Gollaha Shacabku Samaystay

Published: April 12, 2021

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Sharciga Gaarka ah ee Golaha Shacabka ay ka soo saareen jiheynta doorashooyinka heer Federaal, islamarkaana ay muddo kororsi labo sanno ah ay samaysteen.

Warsaxafadeed qoraal ah oo uu madaxweynuhu soo saaray ayuu ku sheegay in xukuumadu ay qaadaynayso doorka kaga aadan fulinta sharciga ay ansixiyeen gollaha shacabka, dalkuna uu aadayo doorasho toos ah

kaddib markii qaar ka mid ah Dowlad Goboleedyadu ay curyaamiyeen Heshiiskii 17-ka Sebteembar ee Doorashooyinka dalka oo 26kii Sebteembar 2020 uu ansixiyey Baarlaamnka JFS” ayuu yiri madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Wuxuu sheegay in dib loogu celinayo Shacabka Soomaaliyeed xuquuqdooda dastuuriga ah ee ku aaddan in ay doortaan hoggaanka ay ku aaminayaan talada iyo masiirka qaranka.

Waxaan ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed in ay dhexda u xirtaan sidii ay uga faa’iideysan lahaayeen fursaddan taariikhiga ah, ugana qeyb qaadan lahaayeen geeddi socodka siyaasadeed ee dalka. Sidoo kale

Madaxweynuhu wuxuu uga mahadceliyay saaxiibbada Soomaaliya ee dadaalka la garab taagan sidii loo sii xoojin lahaa hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka oo marxalado kala duwan soo maray.

Gabagbadii, wuxuu sheegay inaysan marna aqbalayn waxa uu ugu yeeray Fargelinta shisheeyaha ee arrimaha masiiriga ah ee dalka oo ay ugu horraysay arrimaha doorashooyinka dalka waa sida uu hadalka u dhigaye

Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee xilku ka dhamaadey ayaa maanta u codeeyey sharci lagu sheegay jiheynta doorashooyinka Baarlamaanka, waxaana sharcigaan cusub uu dhigayaa in awooda dib loogu celiyey Guddigii Doorashada, lagana doonaayo in ay qabtaan doorasho muddo laba sano ah gudahood, sidaas darteed Goloyaasha Dowladdu ay sii jirayaan mudadaas labada sano ah.

HORSEEDEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *