Gaalkacyo: Cutubyo Ka Tirsan Ciidamada Daraawiishta Puntland Oo Tababar Loo Xiray

Published: April 12, 2021

Ciidamada Daraawiishta Dowladda Puntland muddo tababar uga socday Dugsiga Gen. CARAYS ee Godod ee magaalada Gaalkacyo ayaa maanta loo soo xiray.

Xaflada soo afmeerida Tababarka waxaa ka soo qayb galay Guddoomiyaha Guddiga ahna Wasiirka Maaliyadda oo ay waheliyaan Wasiirka Amniga, Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Taliyaha Ciidamada daraawiishta, Duqa degmada Gaalkacyo, Taliyaha qaybta Gobolka, Masuuliyiinkale iyo Bulshada deeganka Godod.

Ciidamada ayaa soo bandhigay Casharadii dhanka Ciidamada ee ay qaateen waxana salaan ka qaatay Taliyaha Ciidamada daraawiishta Gen Yaasiin Cumar dheere.

Ciidamada daraawiishta ee Tababarka loo soo xiray ayaa loo bixiyay Guutada (BIR-JEEX) sida uu munaasabadaasi uu ka sheegay Taliyaha Ciidamada daraawiishtu.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment