Golaha Shacabka oo muddo kordhin 2 sano ah samaystey

Published: April 12, 2021

Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee xilku ka dhamaadey ayaa maanta u codeeyey sharci lagu sheegay jiheynta doorashooyinka Baarlamaanka, waxaana sharcigaan cusub uu dhigayaa in awooda dib loogu celiyey Guddigii Doorashada, lagana doonaayo in ay qabtaan doorasho muddo laba sano ah gudahood, sidaas darteed Goloyaasha Dowladdu ay sii jirayaan mudadaas labada sano ah.

Arrintan ayaa ku soo beegmeysa iyada oo weli Muqdisho loo fadhiyo in heshiis siyaasadeed laga gaaro hirgelinta Heshiiskii17 September.

Beesha caalamka ee taageerta Soomaaliya ayaa si weyn uga digtey in goloyaasha dowladda ee muddadu ka dhamatey in muddo kororsi loo sameyn karin taasna ay wiiqeyso dedaaladii la soo wadey 20 sano ee u danbeysey.

Midowga Musharixiinta ayaa 24 saac ee u danbeeyey ee la soo dhaafey si weyn uga digey muddo kororsi, waxaana ay sheegeen in aysan sinaba u aqbali doonin.

Si kastaba ha ahaatee waxaa la is weydiinayaa sida sharcigan cusub ee Baarlamaanka xiligiisi dhamaadey meel mariyey sida uu u shaqeyn doono, waxaana la sheegay in uu dhaqan gelaayo marka uu saxiixo Madaxweynaha xilku ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Famraajo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *