Israel oo weerar Internet ku qaaday warshada Nukliyeerka Iran

Published: April 12, 2021

Dowlada Iran ayaa ku eedaysay sirdoonka Israel inay ka danbeeyeen weerarkii Axadii shalay lagu qaaday kombiyuutarada Warshada Nukliyeerka Iran ee magaalada Natanz.

Xaruntaasi ayaa laga damiyey korontada weerarkan oo la sheegay in la doonayey in lagu carqaladeeyo hawlaha xaruntaasi oo muhiim u ah Barnaamijka Nukliyeerka Iran.

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Iran Zarif ayaa xaqiijiyey in weerarkan ay ka danbeysay Israel, isla markaana ay Iran jawaab ka bixin doonto.

Weerarkan ayaa lagu soo beegmay xili ay bilowdeen wadahadala lagu dhex dhexaadinayo Maraykanka iyo Iran oo ka socda magaalada Vienna ee dalka Austria.

Maaha markii ugu horeysay oo weerar noocaan ah lagu qaado xaruntaasi, sanadkii 2010 ayaa sidan oo kale weerar lagu qaaday kombiyuutarada xaruntaasi ee haga goobaha lagu kobiciyo tamarta nukliyeerka, weerarkaasi oo loo adeegsaday fayrus lagu magacaabay Stuxnet oo la rumeysan yahay inay wada sameeyeen Maraykanka iyo Israel.

Bishii July ee sanadkii tagay ayaa waxaa sidoo kale qarax ka dhacay gudaha xaruntaasi la sheegay inay ahayd weerar argagagxin ah. Israel ayaa sidoo kale weeraro khaarajin ah ku dishay in ka badan 9 khabiir oo Iran u qaabilsanaa culuumta nukliyeerka.

Cabdirisaaq Shiino
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *