Puntland ayaa sharci Daro ku Tilmaamtay Muddo Kordhintii Barlamaanku Samaystay

Published: April 12, 2021

Dowladda Puntland ayaa sharci darro ku tilmaamtay go’aankii gollaha barlamaanka Federaalka ee xilku ka dhamaaday uu maanta ugu codeeyay sharci doorasho oo gollayaasha dowladda u ogolaanay inay xilka sii hayaan muddo labo san ah.

Afhayeenka xukuumadda Puntland Jaamac Depereni ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebooga wuxuu ku sheegay in xukuumada Puntland ay ka xun tahay wixii maanta ka dhacay barlamaanka Federaalka

“Dowladda Puntland way ka xuntahay wixii maanta dhacay, waxay ahayd tillaabo sharci daro ah oo uu qaaday Aqalka Hoose ee Baarlamaanka DFS ee wakhtigu ka dhammaaday.” ayuuu yiri Jaamac Deperani

Wuxuu sheegay in ummadda Somaliyeed ay la wadaagi doonaan mowqifkooda rasmiga ah ee la xiriira go’aankii barlamaanka ee maanta

Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee xilku ka dhamaadey ayaa maanta u codeeyey sharci lagu sheegay jiheynta doorashooyinka Baarlamaanka, waxaana sharcigaan cusub uu dhigayaa in awooda dib loogu celiyey Guddigii Doorashada, lagana doonaayo in ay qabtaan doorasho muddo laba sano ah gudahood, sidaas darteed Goloyaasha Dowladdu ay sii jirayaan mudadaas labada sano ah.

Saacad ka dib markii barlamaanku ay sharcigaas meelmariyeen ayaa waxaa taageeray madaxweynaha dowladda federaalka Somaliya isagoo sheegay in si degdeg ah loo hirgalin doono.

Dhinaca kale, sharciga doorashada ee lagu ladhay mudo kordhinta waxaa si weyn uga horyimid guddoonka aqalka sare ee barlamaanka, madaxweynayaashii hore ee Somaliya iyo kutlada musharixiinta ee magaalada Muqdisho.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *