Raysal Wasaare Rooble Oo Booqday Awdheegle – VIDEO

Published: April 12, 2021

Raysal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa duhurnimadii maanta gaaray degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose ee Koonfur Galbeed.

Socdaalka uu Raysal Wasaare Rooble ku tegay degmada Awdheegle ayaa waxaa ku wehlinayay taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage iyo Saraakiil kale.

Ujeedka safarka Rooble ayaa ahaa sidii uu uga qeyb qaadan lahaa munaasabadda ciidamada xoogga dalka oo u dabaal degaya Sanadguurooda 61-aad ee kasoo wareegatay markii la aas-aasay Ciidamada 12 April 1960-kii.

Raysal Wasaaraha ayaa ciidamada ku boggaadiyay guushii maalmo kahor ka gaareen weeraradii Al-shabaab ay ku qaadeen deegaanka Bariire iyo Awdheeglle, kaasi oo geystay khasaaro kala duwan.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *