Taliye Saadiq Joon Oo Xilka Laga Qaaday

Published: April 12, 2021

Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa xilka qaadis ku sameeyay Taliyaha guud ee qeybta Booliska Gobolka Banaadir.

Wareegto kasoo baxday xafiiska taliye Xijaar ayaa waxaa xilka looga qaaday taliye Saadaq Cumar Xasan (Saadaq John) oo ahaa Taliyihii Booliska gobolka, isagoona mid cusub u magacaabay.

Taliye Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir u magacaabay Gaashaanle Dhexe Farxaan Maxamed Aadan (Farxaan Qaroole) oo loo dallacsiiyey Derejada Gaashaanle Sare.

Taliyihii hore ee gobolka Banaadir Saadaq Joon ayaa xilka qaadistiisa loo sababeeyey kadib markii uu joojiyey kulankii maanta loo balansanaa ee golaha shacabka, isla markaana shir jaraa’id uu qabtay ku sheegay in marnaba aan la aqbali doonin muddo kororsi Xildhibaanada Golaha Shacabka ay u sameeyaan Hay’addaha dowladda iyo Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Farmaajo.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *