Wasiirka Amniga Galmudug Oo Bogaadiyay Tallaabadii uu Qaaday Taliye Saadiq Joon

Published: April 12, 2021

Wasiirka amniga dowlad goboleedka Galmudug Axmed Macalin fiqi ayaa bogaadiyay talaabadii uu taliyaha ciidamada Booliiska gobolka Banaadir Saadiq ku joojiyay kulanka barlamaanka federaalka ee maanta.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook ayuu ku sheegay in ciidamada Booliiska u xilsaaran yihiin ilaalinta sharciga dalka iyo ka hortega wixii keeni kara xasilooni darro nooc kasta oo ay tahay

Talaabada uu qaaday taliyaha gobolka Banaadir ee ciidanka Boolisku waa mid bogaadin mudan, waana mid kor u qaadaysa sumcadda Ciidamada Booliska oo waayadii danbe oo dhan dhiiqooyin lugaha loo galinayey.

Wasiirku wuxuu sheegay in ciidamada booliiska ay hore jidadka ugu celiyeen xildhibaanno si sharci darro ah loogu diiday kulamada barlamaanka, maantana ay dib u celiyeen qaybtii shalay faraxsanayd

maantana qeybtii faraxsanayd maalmo ka hor ayaa la celiyey weliba ayadoo tan danbe ay heysato xujo wanaagsan oo ah in looga hortagayo go’aan qaldan oo Barlamaanka ka soo baxa in uu sabab u noqonayo dhibaatada amnidarro iyo xasilooni la’aan soo waajahda dalka.!Waxaa qormaysa taariikh, ayadoo dano gaar ah la fulinayo ha mid noqon kuwa loo adeegsado Dhaqancelinta sharcidarrada.!

Taliyaha Ciidamada gobolka Banaadir Saadiq Joon ayaa ku sheegay sababta uu u joojiyay kulankii Barlamaanka ay tahay inuu ka hortego in barlamaanku uu sameeyo mudo kororsi, isagoo sheegay in xubnaha barlamaanku ayan lahayn wax sharciyad ah.

Wuxuu ugu baaqay Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Federaalka uu qaato doorkiisa hoggaamineed.

Dhinaca kale, taliyaha booliiska Somaliyeed Gen Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa xilka ka qaaday Taliye Saadiq Joon, waxaana xilkaasi loo magacaabay Farxaan Maxamed Aadan (Farxaan Qaroole) oo loo dalacsiiyay derjeda Gashaanle dhexe

https://www.facebook.com/AhmedMoFiqi/videos/10158949771567319/

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *