Farmaajo oo Soo Saaray Labadii Wareegto ee u Horreeyay Tan iyo 8dii Febraayo

Published: April 13, 2021

Madaxweynaha dowladda Federaalka Somaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa soo saaray labo wareegto oo midna uu xil ku magacaabay mid kalena uu derejooyinkii iyo xuquuqihii uu lahaa uga xayuubiyay Taliyihii hore ee booliiska gobolka Banaadir

Madaxweynuhu wuxuu Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u magacaabay Dr. Xasan Cumar Mahadalle in uu noqdo Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo ah jaamacad ay dowladdu leedahay.

Dr. Xasan Cumar Mahadalle in uu noqdo Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Wareegtada labaad ayuu madaxweynuhu wuxuu derejooyinkii iyo xuquuqihii uu lahaa kaga xayuubiyay Taliyihii booliiska Gobolka Banaadir Saadiq Joon oo isagu ka hor yimid muddo kororsi ay barlamaanku u sameeyeen hay’adaha dowladda islamarkaana hor istaagay muddo kooban fadhigii barlamaanka Federaalka ee Shalay.

Labo wareegto ayaa noqonaya kuwii u horreeyay ee uu soo saaro madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo tan iyo markii uu dhamaaday waqtigii sharciga ahaa ee xili haynta madaxweynaha oo ahayd 8 Febraayo 2021ka.

Mid ka mid ah shuruudihii sababay inuu fashilmo shirkii Afisyooni ee u dhaxeeyay madaxda Federaalka iyo Maamul goboleedyada ayaa in la cadeeyo awoodaha madaxweynaha xiliga lagu jiro doorashooyinka, taasi oo ay ka mid tahay in uusan madaxweynuhu cidna xilka ka qaadi karin, cidna magacaabi karin.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *