Madasha Badbaado Qaran oo wacad ku marey in ay hor istaagayaan muddo kororsiga

Published: April 13, 2021

Madasha Badbaado Qaran ayaa shir ay maanta isugu yimaadeen ka soo saarey qodobo dhawr ah oo ay ku sheegayaan sida ay uga hortagayaan muddo kororsiga, iyo in dalka la afduubto.

Ugu horreyn ayey sheegtey go’aanka ay gaareen Golaha Shacabka ee muddo xileedkiisu dhamaadey yahay mid aan waxba ka jirin, waxbana laga soo qaadeyn.

Go’aanka muddo kororsiga ayey sheegeen in uu halis ku yahay nabadda iyo xasiloonida dalka iyo wada jirkiisa.

Waxay hoosta ka xariiqeen inay is hortaagayaan go’aanka sharci darrada ah, iyaga oo la tashanaya bulshada Soomaaliyeed.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *