Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland oo Muqdisho ka dhoofay

Published: April 13, 2021

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa ka dhoofey magaalada Muqdisho kadib safar shaqo oo qaatey bil ay ku joogeen halkaas, waxaana safarkoodu yimid kadib markii ay kulan gaar ah la qaateen wakiilo ka socdey Beesha Caalamka, sidoo kale waxay shir la qaateen Madaxda Madasha Badbaado Qaran ee dhawaan la dhisey.

Madaxweynaha xilku ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isticmaalaya Golaha Shacabka ee xilkiisu dhamaadey ayaa gebi ahaanba soo xirey albaabkii wada hadalka.

Madaxweyne Deni iyo Madaxweynaha Jubaland ayaa maanta kulan la qaatey wakiilo ka socdey Beesha Caalamka ee wadey isu soo dhaweynta waxaana ay u sheegeen in Mowqifkooda ku aadan wixii ka dhacay Golaha Shacabka ay ku soo saaratyaan bayaan madashau u dhan tahay, oo aysan sinaba u aqbali karin muddo kororsi sharci darro ah iyaguna ay dib ugu laabanayaan deegaanadoodi, ayna ka xun yihiin wakhtigii dheeraa ee Madaxweynaha xilku ka dhamaadey ka khasaariyey.

Waxaa gebi ahaanba is xirey albaabkii wada hadalka, waxaana la sugayaa sida Madaxweynaha xilku ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu u dhaqaajiyo muddo kororsiga.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *