Midowga Yurub oo lahjadii ugu adkeyd kula hadley Farmaajo

Published: April 13, 2021
Josep Borrell
High Representative of the Union for Foreign Affairs and Security Policy
Josep Borrell High Representative of the Union for Foreign Affairs and Security Policy

Wakiilka u sareeya arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell  ayaa qoraal adag ka soo saarey xaaladda Soomaaliya, waxaana ay si toos ah uga hor yimaadeen Madaxweynaha xilka kororsadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qoraalka ayaa lagu yiri:

Beesha Caalamka oo ay ku jirto midowga yurub waxay marar badan ku celceliyeen, oo si muuqata u shaaciyeen inaysan sinaba u aqbali karin muddo kororsiga xukuumadda, sidoo kale in ayan oggolaaneyn doorasho is barbaryaaca, iyada oo aan la dhamaystirin heshiiskii 17 September. Midowga Yurub waxay aaminsan tahay, haddii mooshinkan la saxiixo wuxuu kala qaybinayaa Soomaaliya, wuxuu keenayaa dib u dhac badam iyo in uu khatar ku noqdo amaanka iyo xasiloonida Soomaaliya iyo weliba dalalka jaarka la ah. Waxaana mooshinkan sinaba u noqoneyn mid u adeegaya danaha umadda Soomaaliyeed.

Josep Borrell 

Qoraalka ka soo baxay Midowga Yurub ayaa mar kale lagu baaqey in miiska lagu laabto, haddii taasi dhici weydana, Midowga Yurub ay qaadayaan tallaabooyin dheeraad ah.

Waxaan ugu baaqaynaa in dib loogu noqdo wada hadaladii socdey ee doortashada, iayada oo aan waxba divb loo dhigeyn laguna saleynaayo heshiiskii 17 September.

Haddii taasi dhici weydo Midowga Yurub waxay qaadi doonaan tallaabooyin dheeraad ah.

Josep Borrell 

Midowga Yurub wuxuu joojiyey Miisaaniyaddii uu dowladda ku kabi jirey, sidoo kale waxaa dhici karta in ay hakiyaan dhamaan mashariicda daruuriga ah ee Midowga Yurub ay gacanta ku haysey, oo ay ka mid tahay Kaabayaasha dhaqaalaha ee dhawaan la saxiixey.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Waxaan la yabaa kuwa hungurigu wado horaa loo yiri ” qof hunguri qaaday waa qof seefi qaaday” ee hadana raba ineey isku sofeyaan beesha caalamka iyo qaranimada iyo madaxbanaanida umada somaliyeed si ay dilaal uga dhex helaan. Yaahu umada somaliyeed maanta indhaheey kala heysaa wakhtigii dilaalkuna dhamaa xaalkuna waa dalka oo u dhaqaaqay hal qof iyo hal cod ee taa ha iimansado.