Ciidanka Dowladda oo gacanta ku dhigay Nin dilay Xaaskiisa

Published: April 14, 2021

Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan guutada 14-ka October ee ku sugan deegaanada Sabiib iyo Caanoole ee hoos yimaada degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa gacanta ku dhigay nin todobaad ka hor dil arxan darro ah u geystay xaaskiisa.

Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Cabduqaadir Cali Axmed ayay ciidamadu gacanta ku dhigeen xili uu kasoo baxsaday deegaanka uu falkan ka geystay oo lagu magacaabo Moor-diinle isla markaana uu ku dhuumaaleysanayay deegaanada Sabiib iyo Caanoole.

Ninkan eedeysanaha ah ayaa galaaftay nolosha Ooridiisa oo lagu magacaabi jiray Khadiija Sheekh Nuur waxaana uu xiliga falka dilka u geysanayay la sheegay in ay lahayd uur 8 bilood ah sida laga soo xigtay sarkaal u hadlay ciidanka dowladda.

Lama oga sababta ninkan uu dilay xaaskiisa hase ahaate dilalka ceynkan oo kale ah ayaa muddooyinkii dambe si aad ah ugu soo badanayay gudaha dalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *