EU, US iyo UK oo ku hanjabey in ay dib u eegayaan xiriirka Soomaaliya

Published: April 14, 2021
Antony J. Blinken,  Josep Borrell iyo James Duddridge
Antony J. Blinken, Josep Borrell iyo James Duddridge

Kadib markii Madaxweynaha xilku ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo adeegsanaya Golaha Shacabka ee horey muddo xileedkoodu u dhamaadey uu muddo kororsi laba sano ah samaystey ayaa waxaa si adag uga horyimid dalalka saaxiibka la ahaa Soomaaliya 20kii sano ee u danbeysey, Midowga Yurub ayaa maalintii Salaasada ka soo saarey war saxaafadeedka ayey ku goodiyeen haddii la saxiixo heshiisku in uu qaybinaayo Soomaaliya iyaguna ay qaadayaan tallaabooyin dheeraad ah.

Isla maalintii Salaasada waxaa Aqalka Kongressku ku baaqey in laga fariisto xaaladda Soomaaliya, si toos ahna loo wajaho kuwa carqaladda ku noqdey dimoqraadiyadda Soomaaliya ee taagta daran.

Xoghayaha Arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony J. Blinken ayaa soo saarey qoraal kale oo aad uga adag kuwii hore waxaana lagu yiri:

Dhaqangelinta sharciga muddo kororsiga ayaa caqabad weyn ku noqon doonta wadahadalka doorashada, isla markaana sii wiiqi doonta nabadda iyo amniga Soomaaliya. Waxay ku qasbi doontaa taasi in Mareykanka dib u qiimeeyo xiriirkeenna laba geesoodka ah ee aan la leenahay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, oo ay ku jirto arrimaha diblomaasiyadeed iyo kaalmada, iyo in la tixgeliyo dhammaan fursadaha kale ee la heli karo, oo ay ku jiraan cunaqabateyn iyo xaddidaadda fiisaha, si looga jawaabo dadaallada lagu wiiqayo nabadda iyo xasilloonida.

Antony J. Blinken

state.gov

UK

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Midowga Boqorotooda UK, ayaa dhankiisa si lamid ah kuwa kale ee Beesha caalamka soo saarey qoraal si weyn loogu digaayo Hoggaamiyaha mudada kororsadey Maxamed Cabdulaahi Farmaajo waxaana lagu yiri:

Waxaan aad uga xunahay go’aanka Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya uu labo sano ugu kordhiyay Maxamed Farmaajo xilka Madaxweynaha iyo kan Baarlamaanka Soomaaliya. Tani xal uma ahan culeysyada joogtada ah ee saaran hanaanka doorashada, laakiin taa badalkeeda waa talaabo hoos u dhigeysa kalsoonida lagu qabo hogaaminta Soomaaliya isla markaana qatar ku ah badbaadada iyo mustaqbalka dadka Soomaaliyeed. Maaddaama uusan jirin is-afgarad horseedaya doorasho loo wada dhan yahay oo lagu kalsoonaan karo in la qabto oo aan dib u dhac ku jirin, xiriirka beesha caalamka ay la leedahay hoggaanka Soomaaliya waa isbadalayaa. Midowga Boqortooyada (UK) waxay lashaqeyn doontaa saaxiibadeeda caalamiga ah qaab mideysan oo dib loogu qiimeeyo xiriirkeena iyo nooca caawinaada aan siino Soomaaliya.

James Duddridge

https://www.gov.uk/

Haddaba Hoggaamiyaha mudada kororsadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la sheegayaa in uu dhegaha ka furyeystey baaqyada loo dirayo, Dowladiisa ku taagan taageerada beesha caalamka.

Horsed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *