Garowe oo lagu soo bandhigay Dalagyo Beereed kala duwan- SAWIRO

Published: April 14, 2021

Iskaashatada Beeraleyda Puntland ayaa magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland maanta kusoo bandhigay Wax-soosaar ku saabsan dalagyada Beeraha ee ka baxa gudaha Puntland kadib munaasabad lagu xusayay maalinta Beeraha Puntland oo lagu qabtay Garowe.

Masuuliyiin ka tirsan wasaaradda Deegaanka ,Beeraha iyo isbedelka Cimilada Puntland ayaa Beeraleyda kala qeybgalay Munaasabadda xuska maalinta Beeraha oo ay kusoo Bandhigeen Waxsoo saarkooda dhanka Beeraha sida noocyada kala duwan ee Khudaarta ,Miraha iyo dalagyo kale sida Galeyda iyo Haruurka.

Beerelayda Puntland ayaa Bandhigga Munaasabadda ka sheegay in loo baahan yahay in dadka reer Puntland ay kalsooni u muujiyaan wax-soosaarka beeraha kabaxa Puntland lagana maarmo Dalagyada Beeraha ee laga soo waarido deegaanada kale.

Waxa ay sheegeen in ay jiraan caqabado ka haysta Wax beerashada ,Wasaaradda Deegaanka ,Beeraha iyo isbadalka Cimilada Puntland ayayna ugu baaqeen in ay ka caawiso horumarinta wax soosaarkooda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

2 Comments

  1. wallahay timirta kelyah ayaa puntland ku filan laba malionoo ged timireed ayaa ini ku filan waxaa kale oo jirah gedka la yiraado canjeel oo la mida timirata wuxuu wax ka tara dhulka bohola noqda, waan arkee Rako raaxo oo boho isu bedeshay sabatu waa dhir laaan war gedkaas waa dabar goay warmaadho(horseed media) Allaha WEEN darjo sare ha ku siiyo amin ducaas waxaan kugu soo diraaya inaad afar shey wax ka qoortid kaluumeesiga cidamadaan faraha badan raashinkoda kala soo baxaan lix bilood train bariga lix billod bada. Tankale waa timirta ,Canjeelka,Yicibta iyo fooxa intaas hadii xoog la saaro puntland horomar bey gaarin