Maxkamadda ciidamada qalabka Sida Oo Qaab cusub u Fulisay Dil Toogasho ah-SAWIRO

Published: April 14, 2021

Maxkamadda ciidamada qalabka sida qeybta 27aad ee Soomaaliya ayaa maanta dil toogasho ku fulisay Galad Xaashi Warsame oo ka tirsanaa ciidanka Nabad sugidda.

Eedeysanaha ayaa dhawaan dil u geystay qof rayid ah oo lagu magacaabi jiray Jeelow Maxamed Macalin Maxamuud, taasi oo ahayd qisaasta marxuumkii uu horey u dilay kadib markii shalay lagu xakumay dil toogasho.

Dilkan toogashada ah oo ka dhacday meel fagaaro ah ayaa waxaa fuliyey laamaha amniga ee Gobalka Hiiraan ee magaalada Beledweyne.

Fagaaraha lagu fulinayay Toogashada Eedeysanaha ayaa waxaa soo buux dhaafiyay oo ku sugnaa dadweyne kala duwan oo ka kala yimid xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Beledweyne.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *