NATO oo Ruushka uga digtay inuu weeraro Ukraine

Published: April 14, 2021

Xoghayaha Guud ee NATO Jens Stoltenberg ayaa kulan gaar ah xaruntooda Brussels kula yeeshay Wasiirka Arrimaha dibada Ukraine, xili ay dib usoo cusboonaatay xiisada ka taagan gobalka Donbas ee barriga wadanka Ukraine.

Ruushka ayaa ciidamo ka badan 25.000 askari soo dhoobay xaduuda ay la wadagaan wadanka Ukraine, ciidamadaasi oo ay wehliyaan taangiyaal badan iyo hubka culus.

Gobalka Donbas ayey ku sugan yihiin kooxo gooni-goosad ah oo maamula dhulkaasi kuwaasi oo taageero ka hela Ruushka.

Tilaabadan militari ee uu Ruushka qaaday ayaa lagu soo beegay xili Ukraine ay olole ugu jirto inay xubin rasmi ah ka noqoto Isbaheysiga NATO arrintaasi oo ay xukuumada Moscow horey uga digtay.

Hase yeeshee Ruushka ayaa dhaq dhaqaaqa ciidamadooda ku tilmaamay mid aan ahayn duulaan balse ah difaac iyo tababaro caadi ah oo u socda ciidamadooda.

Ruushka ayaa Salaasadii shalay ku eedeeyey NATO iyo Maraykanka inay wadaan daan-daansi ay Ukraine doonayaan ina u adeegsadaan dagaal ka dhan ah Ruushka, waxayna Moscow sheegtay in Maraykanka uu hub kusoo daabulayo wadanka Ukraine.

Waa abaabulkii ugu weynaa ee militari oo dhinaca Ruushka laga daareemo tan iyo sanadkii 2014, xiligaasi oo uu Ruushka awood ciidan kula wareegay Jasiirada Crimea kadib markii xukunka laga tuuray Madaxweynihii hore ee Ukraine Viktor Yanukovych oo xulafo la’ahaan jiray Ruushka.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *