Somaliland: Waxaan Walaac ka Qabnaa Jahwareerka Siyaasadeed ee Soomaaliya

Published: April 14, 2021

Wasaaradda Arimaha Dibadda Maamulka Somaliland ayaa Qoraal dheer oo ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in Somaliland ay walaac xooggan ka qabto jahwareerka Siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya.

Qoraalka oo ku qornaa Luqadda Ingiriisiga ayay wasaaradda Arimaha Dibadda Somaliland ku sheegtay in ay suurtagal tahay dagaalo ka dhaca gudaha Soomaaliya ay saameyaan nabadgelyada Somaliland iyo sidoo kale qulqul dadyow kasoo carara colaada ka qarxa Soomaaliya taasoo uu sabab u yahay madaxweynaha mudada kordhistay ee Soomaaliya.

“Waxaan ku boorineynaa dadka reer Muqdisho ee ay haleeshay xabbada aan joogsiga lahayn ee argagixisada Al-Shabaab iyo kalitalisnimada Farmaajo ee sida kutalagalka ah u ixtiraami waayay dowladnimada dimuqraadiga ah ee dadka Soomaaliyeed iyo wadaxaajoodka siyaasadeed ee lawado in la iskula afgarto.

Qoraalka kasoo baxay Wasaarada Arimaha dibadda Maamulka Somaliland ayaa sidoo kale lagu taageeray mowqifkii ay Qaramada Midoobay ka qaadatay Muddo kororsiga Hay’adaha dowladda Federaalka ee wakhtigoodu dhamaaday waxaana lagu booriyay QM in markale la adkeeyo cunaqabateynta Hubka ee saaran Soomaaliya.

Gaba gabadiina Qoraalka ayaa looga codsaday Beesha Caalamka in ay toos ula macaamilaan Somaliland iyadoo la qiimeynayo isbadala doorashooyinka Somaliland.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *