Dowladda Federaalka oo Si Adag Uga Jawaabtay Qoraaladii Beesha Calamka

Published: April 15, 2021

Dowladda Federaalka ee Somaliya ayaa si adag uga jawaabtay Qoraaladii Beesha Calamka ka soo saartay muddo kororsi labada sano ah ee uu samaystay gollaha shacabka ee muddo xileedkiisu dhamaaday.

Warsaxafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay in ay si aad uga xun yihiin hadalada Saaxiibada Beesha Caalamku oo ah kuwa marin habaabinayaan sharciyada ay soo soo saareen Hay’adaha dowladda.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay si aad ah uga xumaatay inay aragto hadallada bulshada ee qaar ka mid ah saaxiibbadeeda caalamiga ah iyo saaxiibbada muddada dheer ay ku marin habaabinayaan sharciyada ay soo saaraan hay’adaha dowladda ee lagu ilaalinayo xuquuqda dimoqraadiyadda ee shacabka ee ay ku dooranayaan hoggaankooda.

Dowlada Federaalku waxay ku tilmaamtay hadalada iyo Hanjabaadaha ka soo baxay beesha Caalamka kuwa u adeegi doonaa ama dhiirigalinaya Ururada argagixisada iyo kooxaha nabad diidka

Hadalada xanafta leh ee ay ku raran yihiin hanjabaadaha, ee wax u dhimaya madaxbanaanida siyaasadeed iyo xuquuqda madaxbanaan ee hay’adaha qaranka, waxay kaliya u adeegi doonaan dhiiragelinta ururada argagixisada iyo kuwa nabad diidka ah ee Soomaaliya.

Warsaxaafadedka ayaa u qornaa sidan:-

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay si aad ah uga xumaatay inay aragto hadallada bulshada ee qaar ka mid ah saaxiibbadeeda caalamiga ah iyo saaxiibbada muddada dheer ay ku marin habaabinayaan sharciyada ay soo saaraan hay’adaha dowladda ee lagu ilaalinayo xuquuqda dimoqraadiyadda ee shacabka ee ay ku dooranayaan hoggaankooda.

Dadka Soomaaliyeed waxay u oomanaayeen fursad ay ku gutaan xuquuqdooda dimoqraadiyadeed oo ay ugu adeegsadaan awoodda codkooda doorashada hoggaamiyeyaashooda. In kasta oo maamulkani dadaal badan ku bixiyay himiladan, Sebtember 17th, 2020, hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee Soomaaliya waxay isku raaceen in la joojiyo hannaankaas oo la qabto doorasho dadban taa beddelkeeda.

Sida ay dhammaantood goobjoog u ahaayeen sagaalkii bilood ee la soo dhaafay, labo ka mid ah toddobadii saxiixayaasha heshiiska 17 Sebtember 2020, oo kala ah hoggaamiyeyaasha maamulada Jubbaland iyo Puntland, iyagoo ku dhaqmaya cadaadis ba’an oo kaga imanaya saameynta shisheeye, waxay isku dayeen inay hakiyaan oo afduubtaan howsha iyagoo abuuraya dalab aan dhammaad lahayn iyo iyagoo ku baaqaya in la burburiyo hay’adaha dowliga ah ee qaranka.

Khataraha ka dhalan kara luminta horumarka la sameeyay ilaa iyo hadda waxay ku kalliftay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka inuu ka doodo oo u codeeyo 12-ka Abriil 2021-ka si loo ilaaliyo hay’adaha dalka.

Go’aankan waxaa si ballaaran u taageeray daneeyayaasha muhiimka ah ee siyaasadda dalka, oo ay ku jiraan Dowladda Federaalka, Maamulka Gobolka Banaadir iyo saddex ka mid ah shanta dowlad goboleed ee xubnaha ka ah Federaalka, kuwaas oo kala ah Hirshabeele, Galmudug iyo Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed.

Sida ku cad qodobka 47aad ee dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu awood u leeyahay inuu soo saaro sharciyo gaar ah oo qeexaya xeerarka khuseeya doorashooyinka heer federaal.Sidaa darteed, sharciga uu soo ansixiyay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka 12-kii Abriil 2021 oo dhigaya in hal qof, hal-cod doorasho lagu hirgeliyo dalka ayaa meesha ka saaraya qorshe kasta oo horay loo gaaray, oo uu ku jiro heshiiskii 17-kii Sebtember 2020.

Asal ahaan, sharcigani wuxuu dalka siinayaa fursad ay ku fuliyaan mid ka mid ah xulashooyinka ay soo jeediyeen Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka (NIEC), oo horay u soo saaray dhowr fursadood oo la fulin karo, oo ay ku jiraan khariidad lagu dhameystirayo doorashooyinka 13 bilood gudahood.

In kasta oo aan ka mahadcelinno walaacyada saaxiibbadeen iyo saaxiibbadeenna caalamiga ah ee ku aaddan xasilloonida iyo nabadgelyada Soomaaliya, haddana waa wax laga xumaado in markhaati laga noqdo u ololeynta mabaadi’da dimoqraadiyadda oo ka gaabinaysa taageeridda himilooyinka dadka Soomaaliyeed ee ah in ay ku dhaqmaan xuquuqdooda dimoqraadiyadda.

Hadalada xanafta leh ee ay ku raran yihiin hanjabaadaha, ee wax u dhimaya madaxbanaanida siyaasadeed iyo xuquuqda madaxbanaan ee hay’adaha qaranka, waxay kaliya u adeegi doonaan dhiiragelinta ururada argagixisada iyo kuwa nabad diidka ah ee Soomaaliya.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Marka hore Farmaajo markii uu wareejiyay Dhalashada Mareykanka ayaan ogaa inuu dulmi soo wado iyo xukun jaceyl,midda xigta farmaajo dalka Soomaaliya kuma dhaqo Shareecada Islamka,Sharcigii shisheeyaha u soo qorayna ee Dimuqraadiyada aheyd 4tii sanno in doorosho la sameeyane ma rabyo, sababta oo ah wuxuu ogyahay in uusan mar labaad soo laaban doonin, sidaas daraadeed ayuu wuxuu saaxiibo ka dhigtay Itoobiya iyo Eritrea,wuxuuna sameystay ciidamo Tolkiisa ah iyo calooshood u shaqeystayaal oo uu Shimbir iyo Qooleey iyo Mukulaal uu u bixiyay si uu meesha u sii fadhiyo, Farmaajo wuxuu wataa hadalkii ahaa Cadkaan ku calfayay ama ku cideeyee, laakiin wuxuu ilaawsan yahay kuwii ka horeeyay ee qabqablayaashii dagaalka ahaa in Ciidaas 2da Mitir laga hoos mariyay, dhibkoodane laga nastay,farmaajo ne jidkaas ayuu mari doonaa. teeda kale dadka dega Mogadishu waa duud weyn yihiin sida ay ku kacaan ay adagtahay, laakiin maalintii ay kacaan waxaa xaqiiqa ah farmaajo in uusan Xamar sii joogi doonin, Siyaad Barre dulmi iyo caburin ayuu ku haayay Soomaaliya oo dhan 21 sanno, markii uu xukunka qabsaday dadka uu qaarijiyay ee uu dilay waxaa ka mid ahaa Salaad Gabeyre oo u dhashay degaanka Xamar, markaas ayaa la rabay Xamar inuu ka dhaco Kacdoon,laakiin waxay ku qaadatay 21 sanno, Maantana Farmaajo jidka Siyaad Barre ayuu haayaa,wuxuuna Soomaaliya u wadaa dagaal ahli, laakiin wuu ka shaleyn doonaa Adduun iyo Aakhiro.