Madaxweyne Deni oo isugu yeeray Golaha Wakiilada Puntland

Published: April 15, 2021

Fariin oraal ah oo loo direy Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa lagu war geliyey in ay ka soo qaybgalaan kulan degdeg ah oo uu dalbadey Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni maalinta Sabtida ah.

Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa in uu golaha siiyo warbixin ku aadan xaaladda dalka, kadib markii Madaxweynaha xilku ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu samaystey muddo kororsi laba sano ah.

Puntlnd ayaa si weyn uga soo horjeeda muddo kororsiga, waxaase la is weydiinaayaa tallaabada Puntand qaadi doono.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *