Madaxweyne Deni Oo Safarkii Muqdisho Uga Warbixiyey Golihiisa Wasiirada Puntland

Published: April 15, 2021

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa shir-guddoomiyay kulanka golaha wasiirada Puntland.

Madaxweynaha ayaa golaha Wasiirada la wadaagay warbixin ku saabsan safarkiisii iyo xaaladda uu dalku marayo iyo kulamadii uu ka qaybgalay ee teendhada Afisyoone, Waxaana sidoo kale kulanka looga hadlay amniga iyo tayeynta ciidamada Puntland.

Afhayeenka madaxtooyada Puntland, Jaamac Yuusuf Dabaraani ayaa warbaahinta u sheegay inuu madaxweyne Deni kulamo la qaadan doono ururada bulshada rayidka, aqoonyahanka iyo inuu hortagi doono golaha wakiilada Puntland, kadib uu sheegi doono mowqifka Puntland ee muddo kororsigii golaha shacabka Soomaaliya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *