Tirada Dadka ku geeriyooday Qaraxii Shabeelaha Dhexe oo sii kordhaysa

Published: April 15, 2021

Waxaa sii kordhaya tirada dadka u geeriyooday Qaraxii Miino ee shalay ka dhacay wadada u dhaxeysa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Cisbitaalka guud ee magaalada Jowhar oo shalay dhaawac ahaan loo gaarsiiyay dad kusoo dhaawacmay Qaraxa ayaa lagu soo waramayaa in qaar kamid ah dhaawacyadii Cisbitaalka la gaarsiiyay ay geeriyoodeen.

Tirada guud ee dhimasha Qaraxa ayaa gaartay sida ay wararku sheegayaan ilaa 24 ruux sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta Maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe oo booqday dhaawacyada.

Inta la ogyahay Sanadkan waa Qaraxii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca Wadada xiriirisa magaalooyinka Jowhar iyo Balcad iyadoo wadadan ay noqotay tan ugu halista badan ee ay ku safraan dadka shacabka ah ee kunool gobolka Shabeelaha dhexe.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *