AMISOM oo Ciidanka SNA ku wareejisay Hogaaminta Howlgalada Amniga

Published: April 16, 2021

Howlgalka Nabad Ilaalinta ee AMISOM ayaa Taliska Ciidanka Milatariga Soomaaliya ku wareejiyay Hogaaminta Howlgalada Amni ee dalka.

Shir labadii maalmood ee lasoo dhaafay u socday Taliska Ciidanka AMISOM iyo Taliska Ciidanka Xooga Dalka ayaa la isku afgartey in taliska Ciidamada xoogga dalka lagu wareejiyo hogaaminta Qorshaha Howlgalada Amniga guud ee dalka.

Dowlada Federaalka ,Qaramada Midoobey iyo Midoowga Afrika ayaa ku heshiiyay in joogitaanka Ciidamada AMISOM lagu daro ilaa bisha December 2021 hase ahaatee hogaaminta qorshaha amniga dalka lagu wareejiyo Dowlada Federaalka iyo Taliska ciidanka xoogga dalka islamarkaana ciidamada AMiSOM ay ka wada Amar qaataan Wasaarada Gashaandhiga iyo Taliska ciidanka xoogga dalka.

Inkabadan 20 kun oo askari oo ka kala socda Wadamada Burundi.Uganda,Ethiopia,Jabuuti,Kenya iyo kuwo kale ayaa muddo tobonaan sano ah Nabad Ilaalin u jooga Soomaaliya kuwaasoo ku howlgala magaca AMISOM.

Talaabada AMISOM ay Taliska Ciidanka Xoogga dalka ugu Wareejisay Hogaaminta Howlgalada Amniga ayaa ka dhigan in uu heer gaba gabo ah marayo joogitaanka Ciidamada AMISOM ee bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *