Khasaare Dhimasho oo ka dhashay dagaal Beeleed ka qarxay gobolka Sool

Published: April 16, 2021

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeya labo Maleeshiyo Beeleed oo saaka ka Qarxay deegaanka Ceelka Dhabar Dalool ee hoostagga degmada Xuddun ee gobolka Sool.

Dagaalka ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhashay Muran soo kala dhexgalay Labada Beelood kaasoo ku saabsan Ceelbiyood ku yaala deegaanka Dhabar Dalool oo Beel kamid ah Labada Beelood u arkeen in beesha kale ay Deegaamayn ka waddo deegaankaasi oo Reer Guuraaga ay ka waraabsadaan Xoolaha.

Ilaa inta la ogyahay dad ka badan 5 ruux oo ah dhinacyadii dagaalamay ayaa lagu soo waramayaa in ay ku geeriyoodeen dagaalka ,khasaare intaasi kabadan oo dhaawacyo ahna uu ka dhashay.

Waxaa adag helidda isgaariinta degaanka uu dagaalku ka qarxay iyadoo arintaasi ay adkeysay ogaanshaha dhabta ah ee khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Dagaal beeleedyada noocan oo kale ayaa kusoo laa-laabtay deegaankan oo kamid ah gobolka Sool iyadoo ay xusid mudan tahay in heshiis Nabadeed sanadkii hore lakala dhexdhigay beelahan walaalaha ah.

XUDDUN SOOL

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan ayaa qoraal uu soo saaray ugu labada Beelood in si shuruud la’aan ku joojiyaan Colaadda,ayna qaataan Nabadda.

“Waxaan ugu baaqayaa beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhexmartay degaanka Dhabar Dalool ee gobolka Sool inay si shuruud la’aan ah u joojiyaan gulufka colaadeed ee ka taagan halkaas, lagana wada shaqayeeyo sidii xal waara looga gaari lahaa dhibaatada soo noq-noqotay ee sababtay dhimashada iyo dhawaaca.”

Si kastaba ha ahaatee dagaalkan dib uga qarxay deegaanka Ceelbiyoodka uu ku yaalo ee Dhabar dalool ayaa kusoo beegmaya xii lagu guda jiro Maalmaha hore ee bisha fadliga badan ee Ramadaan waxaana isa soo taraya baaqyada ku aadan joojinta dhiggga walaalaha ee dagaalamaya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *