Xiliga la galayo Imtixaanka shahaadiga Federaalka oo la shaaciyay

Published: April 16, 2021

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya ayaa shaacisay xiliga loo fariisan doono Imtixaanka shahaadiga ee Fasalka 12-aad Dugsiga Sare.

Wasaaradda ayaa wadatashi dheer oo ay la yeelatay bahda waxbarashada waxa ay shaaca ka qaaday in imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 12-aad ee dugsiga sare ee sanad dugsiyeedka 2020-2021 la geli doono 22-ka illaa 26-ka bisha May ee sanadkan.

Shaacinta Imtixaanka ayaa imaanaya iyadoo Wasaaraddu ay horey dhowr jeer u fasaxday goobaha waxbarashada Sababo la xiriira Faafidda Caabuqa Covid19 ,Ardayduna ay aad uga walwal-sanaayeen xiliga ay u fariisan doonaan Imtixaanka Sanadka Dugsiyeedka 2020 iyo 2021.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment