Baarlamaanka Puntland Oo Cod aqlabiyad ah ku diidey Muddo Kordhintii Farmaajo

Published: April 17, 2021

Xildhibaannadda golaha wakiilada Puntland ayaa maanta si rasmi ah uga qeyb-galay fadhiga 28-aad, Kalfadhiga 47-aad ee golaha kaas oo ay hor-yimaadeen madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullahi Deni iyo madaxweyne ku xigeenkiisa, Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Ujeedka kulanka oo ahaa warbixin, is-xogwareysi iyo wada-tashi uu madaxweynaha & madaxweyne ku xigeenka la qaadanayaan baarlamaanka, wada-tashigaasi oo ku saabsan xaaladda guud ee dalku marayo iyo mowqifka Puntland ee ku aadan muddo kordhinta sharci darada ah ee uu sameystay madaxweynaha wakhtigu ka dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kulankan oo ay saxaafadu dibadjoog ka ahayd ayey golaha wakiillada dood-dheer kadib cod u qaadeen muddo kordhinta Golaha Shacabka mudada ka dhamaatey ay u sameeyeen hay’adaha Dowaldda ee muddo xileedkoodu dhamadey

Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa dood-dheer ka dib qaadacay muddo kordhinta aan sharciga aheyn ee ay sameysteen Golayaasha Dawladda Federalka Soomaaliya ee wakhtigu ka dhammaaday. Fadhiga maanta oo ay joogeen 52, 49 Xildhibaan ayaa u codeeyey qaraarka looga soo horjeedo muddo kordhinta Farmaajo, 1 Xildhibaan ayaa taageeray muddo kordhintii Farmaajo, halka 2 Xildhibaan ay ka aamuseen oo aysan codkooda dhiiban

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *