Farmaajo maku fashilmey soo qabashada Gen. Saadaq Joon?

Published: April 17, 2021
Wasiirka Amniga ee xukuumadda xil-gaarsiineed

Wasiirka Amniga Xukuumadda xil-gaarsineed Xassan Xunudbey ayaa kadib weerarkii ka dhacay Shiirkola iyo banaanbixii shacabku dhigeen saxaafadda la hadley habeenimada sabtida isaga oo ku sugan gurigiisa, waxaana uu si rasmi ah u sheegay in Dowladdu aysan hadda dooneyn soo qabashada Gen.Saadaq Cumar Xassan (Joon). Wasiirka ayaa dafirey in ay markii horeba qorshahaasi jirey iyada oo la ogaa  habeenkii Arbacada in ciidamo badan la dul dhigey xaafadda Shiirkola oo markaas ku jirey Saadaq Joon, waanwaan uu sameeyey Madaxweyne Qoor-qoor uu dib uga baxay kuna laabtey aaga garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Dhanka kale Xassan Xundubey ayaa  xaqiijiyey in ciidamada dowladda furfur iyo kala daadin lagu hayo oo ay ka shaqeynayaan siyaasiyiin, waxaana uu ka dalbadey in aan ciidamada la kala furfuran oo siyaasadda laga heshiin doono.

Habeenimadii Sabtidu soo geleysey ayaa xaaladda Muqdisho ahayd mid aad ku kacsan kadib dhaqdhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda, taas oo sababtey in xaafadda Shiirkola  rasaas la is weydaarsadey dad rayid ah ku geeriyoodeen.

Arrintan ayaa timid kaidb markii sarkaalka Dowladda federaalka ee muddo xileedka kororsatey ay isku daydey in ay mar kale soo qabato Gen.Saadaq Joon oo ahaa taliyihii hore ee ciidanka Booliska Gobolka Banaadir ee ka horyimid muddo kororsiga,  kadib waxaa la isugu darey in xilka laga qaado Madaxweynaha  muddo xileedkiisa kororsadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajona uu garaadihii ka xayuubiyey si loo soo qabto.

Xildhibaanada kala ah Saadaq Axmed Shuuriye, Odowaa iyo Mahad Salaad ayaa caawa ku hoydey xaafadda Shiirkola oo ay ku badan yihiin taageerayaasha Gen Saadaq Joon, waxaana ay ku qabteen shir-saxaafadeed.

Xildhibaanadan ayaa si wada jir ah ugu baaqey shacabka Muqdisho in ay ka hor yimaadaan keligii taliye tabar yar oo ku hareeraysan Villa Somalia, si sharci darro ahna isugu caano shubey muddo laba sano ah.

Xildhibaan Shuuriye ayaa sheegay in Cabdirashiid Janan oo denbiile ahaa Maxkamadi xukuntey, dad rayid ahna diley uu caawa hurdo Villa Somalia , halka Saadaq Joon oo afartiisano ee sharciyadda uu haystey Farmaajo la soo shaqeeyey uu doonayo in uu dilo, waxaana taas u aragnaa ayuu yiri ilma adeernimo.

Si kastaba Gen Saadaq Joon ayaa hadda si rasmi ah u sal dhigtey mid kamid ah xaafadaha Muqdisho, waxaana uu taageero ballaaran ka helay dadka xaafaddaas degan eek u haybta ah, waxaana sidaas si lamid ah xaafadaha u guurey Sheekh Shariif iyo Xassan Sheekh, waxaana magaalada Muqdisho ka socdo abaabul xooggan oo looga soo horjeedo labada sano ee Farmaajo iskiis isugu caano shubay isaga oo aan haysan Aqalkii sare ee doortey ama wax heshiis siyaasadeed ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *