Farmaajo oo Codsaday in uu la kulmo Midowga Musharixiinta

Published: April 17, 2021

Madaxweynaha Muddo xileedkiisa Dastuurigu dhamaaday ,dhawaanna sameystay Muddo kororsiga Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa dalbaday in uu la kulmo Siyaasiyiinta ku bahoobay Golaha Midowga Musharixiinta madaxweyne.

Kulan Muqdisho ku dhexmaray Madaxweynayaasha Galmudug ,hirshabeelle iyo Midowga Musharixiinta ayaa laga soo xigtay in Madaxda labada Maamul ay madasha ka sheegeen dalab ay kawadaan Farmaajo oo ku aadan in uu doonayo la-kulanka Musharixiinta Golaha Midowga.

Dalabka Farmaajo uu ku doonayo in uu kula kulmo Musharixiinta Mucaaradka ayaan la ogeyn ujeedka uu ka leeyahay xili dhawaan uu sameystay Muddo Kororsi khalkhal amni iyo mid siyaasadeed ka abuuray dalka gaar ahaan Muqdisho.

Musharixiinta Mucaaradka ayaa la aaminsan yahay in ay Mowqif adag ka taagan yihiin go’aankii Muddo kordhinta dowladda wakhtigeedu idlaaday ,waxaana qaar kamid ah laga soo xigtay inaysan diyaar u ahayn lakulanka Farmaajo int uu sharci ahaan aaminsan yahay Talaabadii uu ku kacay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *