Farmaajo oo looga yeeray Teendhada Afisiyoone

Published: April 17, 2021

Horseed media ayaa ogaatey in Madaxweynaha iskiis mudada u kororsadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wakiilo ka socda beesha Caalamku ay shir ku leeyihiin Teendhada Afisiyoone ee uu horey u sheegay in gogoshii halkaas taaley ay burburtey.

Warku wuxuu sheegayaa in Farmaajo oo xaqiiqsadey sida ay u adag tahayn isaga oo aan haysan taageerada beesha caalamka iyo taageerada gudaha in uu muddo xileedka iska kororsado, waxaana hadda laga wada hadlayaa sidii dib loogu bilaabi lahaa wada hadalka.

Beesha caalamka ee taageerta Dowladda federaalka ayaa ku hanjabtey haddii madaxweynaha xila kororsadey ku sii socdo go’aankiisa ay qaadanayaan tallaabooyin dheeraad ah oo ay ka mid tahay cunno qabateyn.

Dadka fallanqeeya siyaasadda Soomaaliya ayaa sheegaya in fursadda Hoggaamiye Farmaajo haysto ay tahay keliya in uu is casilo maadaama uu isagu soo oodey wada hadalkii, isku dayey iskiis in uu isugu caano shubo isaga oo meesha ka saarey labadii Aqal ee doortey mid kood.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *