Madaxweyne Deni oo gaaray xarunta Wakiiladda -Warbixinna siinaya xildhibaanada

Published: April 17, 2021

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Siciid Cabdulaahi Deni ayaa goordhawayd gaaray xarunta Golaha Wakiilada Puntland.

Madaxweynaha ayaa Xildhibaanada la wadaagi doona Warbixin ku saabsan Xaaladda uu dalku marayo iyo mowqifka Puntland ay ka qaadanayso arimaha taagan.

Waxyaabaha la filayo in madaxweyne Deni la wadaago Xildhibaanada ayaa waxaa ugu weyn Muddo kororsigii ay sameysteen Golaha shacabka iyo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday.

Kulanka aan caadiga ahayn ee u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Xildhibaanada Golaha Wakiilada Puntland ayaa waxaa dibad joog ka ah Saxaafadda.

La soco wixii soo kordha

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *