Madaxweyne Deni oo Kulan wadatashi la yeeshay Qeybaha Bulshada

Published: April 17, 2021

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa magaalada Garoowe kulan wadatashi kula qaatay Siyaasiyiinta, Aqoonyahanka, Waxgaradka iyo Qeybaha kala duwan ee Ururada Bulshada Rayidka Puntland

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda uu dalku marayo gaar ahaan isjiidjiidka siyaasadeed ee xiligan taagan.

Madaxweyne Deni oo beri lagu wado in uu hortago Xildhibaanada Golaha Wakiiladda ayaa Bulsho ka dhageystay talooyin kusaabsan xaaladda guud ee dalka iyo doorka Puntland ay xiligan ka qaadanayso arimaha masiiriga ah ee dalka.

Maalinta Beri ah ayaa lagu wadaa in madaxweyne Deni uu Xildhibaanada siiyo warbixin guud oo ku saabsan shirarkii uu uga qeybgalay Muqdisho iyo go’aaanka xukuumadda uu hogaamiyo ay ka qaadanayso xaaladaha siyaasadeed ee kusoo kordhay dalka gaar ahaan arinta Muddo kororsiga.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *