Mahad Guuleed Iyo Danjiraha Shiinaha Oo Ka Wada Hadlay Saamaynta COVID-19 Ee Soomaaliya

Published: April 17, 2021

Raysal Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa maanta kulan la qaatay safiirka u fadhiya Soomaaliya Danjire Qin Jian.

Kulanka Mahdi Guuleed iyo Safiir Qin Jian ayaa waxaa looga wada hadlay arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.

Sidoo kale kulanka ayaa looga arrinsaday xiriirka labada ee dhinacyada waxbarashada, dhaqaalaha, arrimaha bani’aadminimada iskaashiga dhanka amniga iyo la tacaalidda Cudurka halista ah ee COVID-19.

Dowladda Shiinaha ayaa dhawaan wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ku wareejisay tallaalka ka hortagga cudurka halista ah ee COVID-19, kaas oo ay soo saarteen dalka Shiinuhu.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *