Muqdisho:Xiisad Caawa ka taagan Xaafadda Shirkoole

Published: April 17, 2021

Xaalad Kacsanaan ah ayaa caawa ka jirta xaafadda Shirkoole ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho kadib markii dowlada ay cidamo badan soo dhoobtay wadooyinka u dhow xaafadaasi.

Ciidamo daacad u ah Jen Saadaq Joon oo dhawaan ka horyimid go’aankii muddo kororsiga dowladda ,xilkana laga xayuubiyay ayaa lagu soo waramayaa in Jananka iyo ciidamadiisa ay dib ugu laabteen Xaafadda Shirkoole oo deegaan ahaan ay ku badan yihiin dad ku heyb ah.

Ciidamada dowladda ayaa laga cabsi qabaa in ay weerar ku qaadaan hoy uu saldhigtay Gen Saadaq joon iyo ciidamada u daacadda ah taasoo cabsi xooggan ku abuuray dadka kunool degmada Hodan xaafadda Shirkoole.

Xildhibaano ay kamid yihiin Mahad Salaad iyo Cabdiraxmaan Odawaa oo ku heyb ah Janankan ayaa caawa fiidkii gaaray halka ay xiisaddu ka taagan tahay waxaana ay wacad ku mareen in ay iska difaaci doonaan duulaan ay damacsan tahay dowladda uu wakhtigu ka idlaaday in ay ku qaado Jeneral Saadaq Joon.

Lama oga halka ay ku dambeyn doonto xiisadda dagaal ee ka taagan xaafadda Shirkoole ee degmada Hodan.

La soco wixii warar ah ee kusoo kordha

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *