Duqa Muqdisho oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjire Mehmet Yilmaz-SAWIRO

Published: April 18, 2021

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxmed (Cumar-Filish) ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabiley Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Mr. Mehmet Yilmaz.

Labada Masuul ayaa kawada hadlay dardargelintaMashaariicda Horumarineed ee Dowladda Turkigu ka wado Magaalada Muqdisho.

Duqa Magaaladda ayaa ka mahadceliyey Kaalinta horumarineed ee ay dowladda Turkiga ka wado gudaha Soomaaliya.

Turkiga ayaa kamid ah dowladaha Mashaariicda horumarineed ka fuliya Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho waxaana uu gacanta ku hayaa Garoonka diyaaradaha Aaden Cadde iyo xarumo isugu jira kuwo Caafimaad iyo Waxbarasho.

Horseed Media.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *