Muxuu salka ku hayaa safarka Farmaajo ee DR Congo?

Published: April 19, 2021

Madaxweynaha wakhtigiisa dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa xalay gaaray  magaalada Kinshasa ee caasimada DR Congo, xili Farmaajo uu wajahayo go’adoon dhanka xiriirka caalamiga iyo Beesha Caalamka ah.

Lama faah faahin waxa uu la xariiro safarkan deg degta ah ee Farmaajo uga baxay  magaalada Muqdisho. Waxaa garoonka dityaaradaha ee N’Djili  ku soo dhaweysey haweyneyda ah wasiirka arrimaha dibadda ee DRC Marie Tumba Nzeza.

Eritrea iyo AMISOM
Qoraal Villa Soomaaliya xalay faafisay ayaa lagu sheegay in Farmaajo kala hadlayo Madaxda DR Congo dhanka iskaashiga labada dal, Madaxweynaha cusub ee DR Congo ayaa hada ah Guddoomiyaha Midowga Afrika, waxaana la rumeysan yahay in Farmaajo ka codsan doono inuu kala shaqeeyo sidii dalka Eritrea loogu dari lahaa wadamada xubnaha ka ah ciidamada nabad illaalinta Afrika ee AMISOM.

Eritrea ayaa waxaa xiligan saaran cunaqabateyn caalami ah oo la xariirta in dowladaasi ay hub siin jirtay kooxda Al Shabaab iyo in ciidamada Eritrea xoog ku qabsadeen dhul ka tirsan Jabuuti, balse dowladaasi ayaa dhawaan sheegtay inay iskaashi la sameysan doonto dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya.

Cadaadiska Midowga Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Kongo Felix Tshisekedi ayaa hadda ah Madaxweynaha Midowga Afrika ee muddo xileedkiisu wareego, waxana Midowga Afrika ay kamid tahay dalalka cadaadiska ku haya Farmaajo in uu dib ugu laabto wada hadalkii doorashada oo uu joojiyo muddo xileedka uu kororsadey. Midowga Afrika oo ciidamo aad u badan ka joogaan Soomaaliya ayaa doonaya in ay ka hortagaan tallaabooyin dheeraad ah oo ay qaadaan dalalka reer galbeedka ee bixiya dhaqaalah AMISOM, cadaadisna la saaro Farmaajo, si aysan hawlgalka saameyn ugu yeelan.

Taariikhda cusub ee DR Congo
Dalka DR Congo oo ku yaal bartamaha Afrika ayaa kamid ah wadamada ay ka jireen xiisadaha siyaasada iyo xasilooni darada walow dalkaasi uu ku guuleystay inuu qabto Doorasho bishii December.

Doorashadii DR Congo ee sanadkii hore ayaa ahayd midii ugu horeysay taariikhda dalkaasi oo ay si nabad ah xilalka ugala kala wareegeen Madaxweynaha cusub Felix Tshisekedi iyo Madaxweynihii hore Joseph Kabila.


Taariikhda cusub ee Soomaaliya
Dalka Soomaaliya oo isagu kamid ahaa dalalka faro ku tiriska ah ee dagaala ka socdeen muddada dheer oo ku guuleysanayey inay doorashada qabtaan 10kii sano ee lasoo dhaafay ayaa sanadkan galay xiisad horleh kadib markii Xukuumada Farmaajo ku fashilantay qabashada doorashada, isla markaana ku dhawaaqday muddo kordhin 2 sano ah.

Waxaa sidoo kale soo baxaya warar sheegaya in safarka Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu horudhac u yahay safaro kale oo qarsoodi ah oo la hadal hayo inuu ku tagayo dalalka Itoobiya iyo Eritera, walow warkaasi aysan xaqiijin warbaahintu.

War ka soo baxay DRC ayaa lagu sheegay in safarka Farmaajo qaadan doono hal maalin dibna uu dalkiisi ugu laaban doono saacadda DRC markey tahay 13:30.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *