Gen.Tuuryare: Waan ka badbaaday rasaas lagu furay gaarigeyga! Video

Published: April 19, 2021

Ciidamada ka amar qaata Villa Soomaaliya ayaa la sheegay inay xalay rasaas la beegsadeen gaadiid uu la socday Taliyihii hore ee NISA, Gen.Cabdiraxmaan Tuuryare oo marayey nawaaxiga isgoyska Marina ee degmada Cabdicasiis.

Tuuryare oo xalay saqdii dhexe shir jaraa’iid qabtay ayaa sheegay inuu falkan ahaa mid ulla kac ah oo ay geysteen ciidamo cusub oo xalay la geeyey deegaankaasi, isagoona sheegay in falkan uu ahaa mid loogu talo galay.

Ma sheegin khasaaraha dhankooda kasoo gaaray rasaastan lala beegsaday gaariga uu saarnaa iyo midka ay saarnaayeen ciidamada illaalada u ah, isagoo ugu baaqay Taliska ciidamada inay arrintan baaraan.

“…Magaaladan in la isku handado oo la isku khash-khashaado…dadku ku cabsan maayaan kumana baqayaan…”

Tuuraye ayaa sheegay inuu isagu kamid ahaa dadka ka gaabsan jiray inuu ka hadlo xaalada dalka.

“…Xataa hadii qofkii aamusan uusan fakaneyn ma garanayo meesha loo sacdo… caawa ayaa la igala hadalsiiyey kuwa iga hadalsiiyey mana mahdin doonaan…” ayuu yiri Tuuryare oo horey mucaaridka ugu xaman jireen inuu xiriir la leeyahay Xukuumada wakhtigeeda dhamaaday ee Farmaajo.

Tuuraye ayaa sheegay in ay jirtay hanjabaad maalmihii lasoo dhaafay uga imaaneysay dhanka dowlada, isla markaana uu hayo xog dheeraad ah ee saraakiisha bixiyey amarkan isagoona sheegay inuu gadaal ka sheegi doono xogtan oo uusan dooneyn inuu ka hordhaco baaritaanka uu sheegay in loo baahan yahay in la sameeyo.

Ciidamada falkan geystay ayaa lagu sheegay in ay yihiin kuwa lagu magacaabo Duufaan oo u badan askar dhawaan ay hawlgelisay Villa Soomaaliya, kuwaasi oo la dhigay qaar kamid ah isgoysyada magaalada Muqdisho gaar ahaan nawaaxiga goobaha ay ku sugan yihiin siyaasiyiinta iyo saraakiisha Villa Soomaaliya u aragto mucaaridka.

Degmada Cabdicasiis ee ciidamada la geeyey ayaa waxaa todobaadkan deegaan ka sameystay Madaxweynihii hore Xasan Shiikh Maxamuud oo kamid ah Madasha Badbaado Qaran, Madaxdii hore ayaa dhawaan kasoo guuray xaruntii ay horey u degenaayeen ee nawaaxiga Madaarka Aadan Cade, iyagoona degay degmooyinka Cabdicasiis iyo Yaaqshiid.

Cabdirisaaq Shiino
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *