Madaxweyne Deni oo Cafis u fidiyay Maxaabiis ku jirta Xabsiyada Puntland

Published: April 19, 2021

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa cafis madaxweyne u fidiyay Maxaabiis ku jirta Xabsiyo kala duwan oo ku yaala Puntland.

Madaxweyne Deni oo soo saaray Xeer Madaxweyne lambarkiisu yahay Lr. 13 ayuu Cafis Guud ugu fidiyey 66 maxbuus oo ka mid ah maxaabiista ku xiran xabsiyada Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad farqadasiisa 11naad

Markuu tixgeliyey: Talo soo jeedinta Wasiirka Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dhaqan celinta.

Wuxuu xeeriyey:

1.Waxaa cafis guud loo fidiyey fadliga bisha barakeysan ee Ramaddan iyo xaalada caafimaad ee caabuqa Covid-19 awgeed 66 maxbuus oo ku kala xiran xabsiyada Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *