Maraykanka oo Ruushka uga digay inuu dhinto hogaamiyaha mucaaridka

Published: April 19, 2021

Dowlada Maraykanka ayaa sheegtay in eeda ay qaadan doonto dowlada Ruushka hadii uu xabsigooda ku dhinto hogaamiyaha mucaaridka dalkaasi Alexey Navalny.

Alexey Navalny ayaa sabuucii sadexaad wada inuu ka soomo cuntada, isagoo ka cabanaya xanuun haya iyo in dowlada Ruushka u diiday inay soo booqdaan dhakhaatiirtiisa iyo eheladiisa.

Jake Sullivan oo ah Lataliyaha Amniga ee Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay in hadii uu xabsiga sidan ugu dhinto hogaamiyahaasi eeda ay qaadan doonto xukuumada Ruushka ee Vladimir Putin.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *