Puntland iyo Galmudug oo Amniga Iska Kaashanaya

Published: April 19, 2021

Shir ka dhacay Gaalkacyo oo ay ka qaybgaleen Wasiiro iyoTtaliyaal ciidan oo ka kala socdey Puntland iyo Galmudug ayaa lagu go’aamiyey in si wada jir ah ay ula dagaalamaan malayshiyaadka urarada argagaixsada ah iyada oo ciidamo wada jir ah ay hawshan ka qaybqaadanayaan.

Dhanka Galmudug ayaa culeys ay soo saartey al-Shabaab kadib markii ciidanka Dowladda Federaalka ka joogey furimaha Galmudug laga saarey si culeyska loo saaro magaalada Muqdisho iyo siyaasadda ka taagan.

Wasiirka Amniga ee Galmudug Axmed macalin Fiqi ayaa sheegay in ay Puntland ka heleen ballanqaad ah in si wada jir ah loo gacan saaro al-Shabaab.

Ciidamada Puntland iyo kuwa Galmudug ayaa lagu wadaa in ay guluf ku qaadaan Al-shabaabka ee la wareegtey Bacaadweyne, waxaana ay go’doomiyeen Hobyo.

Shirkan ayaa daba joogey kii Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug ay bishii Diseember ku kala saxiixdeen Galkacyo.

Wada shaqeynta Puntland iyo Galmudug ayaa muhimad weyn leh, waxaana aad loo rajeynayaa in siyaasad ahaana ay wada shaqeeyaan, taas oo hadda ay ku kala aragti duwan yihiin.

HorseedMedia

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *