Boosaaso: Gudi loo Xilsaaray dhaqaale ururinta Warshad soo saarya Qalabka Neefsashada Covid19 oo war soo saaray

Published: April 20, 2021

Gudigan ay Dowladda Puntland u xilsaartay dhaqaale ururinta Warshad sameysa Qalabka Neefsashada (Oxgenka) ee lagula tacaalayo Bukaanada uu soo ridanayo Cudurka Safmarka ee Covid19 ayaa magaalada Boosaaso kusoo bandhigay halka ay marayaan dadaalada dhaqaale ururinta kaasoo xiligan baahi weyn ay u qabaan shacabweynaha Puntland.

Gudiga ayaa sheegay in ay ururiyeen qeyb kamid ah dhaqaalaha lagu soo iibinayo Warshadda sameynaysa Oxgen-ka waxaana ay xuseen in lacago badan ay ka harsan yihiin dhaqaalihii loogu talagalay soo iibinta Oxgenka.

Magaalooyinka waa weyn ee Puntland sida Boosaaso waxaa laga diiwaan geliyay kiisas badan oo la xiriira dad uu haleelay cudurka safmarka ah ee Covid19 iyadoo dadkaasi qaar kamid ahna ay u geeriyoodeen xaalad Neefsasho la’aan oo soo wajahday

Sheekh Fu’aad Maxamuud Xaaji oo kamid ah Gudiga ayaa sheegay in soo gaartay dhaqaale kooban oo lagu soo iibinayo Oxgenka waxa uuna sheegay in shirkad ku taala Shiinaha ay heshiis kula galeen in ay kasoo iibiyaan Oxgenka celcelis ahaanna 30 boqolkiiba ay u direen dhaqaalaha lagu soo iibinayo Qalabkan Oxgenka iyadoo ay wakiil ka yihiin ganacsato reer Puntland ah.

Waxa uu sheegay in dhawaan la keeni doono Qalabka Warshaddii sameyn lahayd Oxgenka iyo injineeradii loogu talagalay in ay rakibaan qalabka isagoona sheegay in heshiiska ay kamid tahay in si damaanad ah lagu keeno Warshadda dhaqaalaha dhimana la bixiyo kadib.

Gaba gabadii ganacsatada iyo dhamaan Bulshada Soomaaliyeed ayuu ka codsaday in ay si deg deg ah uga qeyb qaataan lacagaha loo ururinayo Warshadda sameysa Oxgenka ee lagu badbaadinayo Bukaanada Caabuqa Covid19 maadama ay dad badan halis ugu jiraan xaalad la xiriita Neefsasho la’aan ayna u baahan yihin Oxgen.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Maamulka puntland ha bixiyo lacagta loogu talo galay covid19
    Waa $ 9.000.000
    Loogu deeqay covid19 puntland
    Aawey lacagtaas
    Shacabkii loogu talo galay ma gaarin
    AARANJAANA oo dhacday lacagtaas waa laga xanibay
    Ayaan daro heysata shacabka puntland
    Ilaahey ha dhaafiyo aaranjaan
    Kuwa ka qeeyr badan ha ugu bedelo
    Aamiin