Madasha Badbaado Qaran oo Qoraal ku saabsan Muddo kordhinta u dirtay Golaha Amaanka

Published: April 20, 2021

Golaha ay ku Midoobeen midowga Musharixiinta ,Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland iyo sidoo kale Siyaasiyiinta gobolada Waqooyi ayaa Qoraal ay uga hadlayaan Xaaladda Soomaaliya waxa ay u direen Golaha Amaanka Qaramada Midoobay.

Qoraalka ay u direen Golaha Amaanka ayaa waxa ay uga soo horjeesteen muddo kordhintii labada sano ahayd ee ay dhawaan sameysteen Golaha Shacabka iyo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday.

Waxa ay sheegeen in go’aanka Muddo kororsiga uu halis ku yahay xasilloonida, nabadda iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.

“Go’aanka ka soo baxay Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ay Xildhibaanda iyo Madaxweyaha ku kororsadeen howlahooda shaqo muddo 2 sano ah waa waxba kama jiraan”

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in uu shir ka yeesho xaaladda cakiran ee siyaasadda Soomaaliya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *